Puntland oo ka hor timid war ka soo baxay DFS

Puntland ayaa si adag uga hor timid go’aan shalay kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ku amartay in lagu xiro Qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Warsaxafadeed Xalay saqdii dhexe kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland uusan khuseyn go’aanka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Puntland ayaa sidoo kale ku sheegtay Warsaxafdeedka ay soo saartay in si gaar ah ula macaamileyso dowladaha deriska ah, beesha caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Puntland soo saartay oo dhameystiran:-

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed