Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay ciidamo mushahar la’aan ka cabanaya oo muddooyinkii dambe bilaabay inay xirtaan qaar kamid ah waddooyinka hal-bowlaha ah ee xiriiriya gobolada dalka.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir, oo warbaahintu wax ka waydiisay ciidamo goostay qaybo kamid ah Boosaaso iyo qaar kamid ah waddooyinka gobolada, Mudug iyo Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan horay ugu jirin diiwaanka dowladda loona unkay dagaalka Daacish.
Waxa uu ugu yeeray saraakiisha ciidankaasi hoggaaminaysa inay shuruucda dhawraan isla markaana xuquuqda ka maqan ku raadsadaan waddo sharci ah iyagoo aan dhibaato u geyseyn shacabkii ay ilaalintooda qoriga u qaateen.
“Waxay u badan yihiin ciidamo ku abaabulmay dagaalka Daacish oo aan horay ciidanka dowladda uga mid ahayn, waxa ay tabanayaanna waxaa ka weyn muuqaalka foosha xun ee ay sameeyeen, waxaanna u soo jeedinaynaa saraakiishu inay ciidankooda waafajiyaan shuruucda ciidamada”,Ayuu yiri taliyuhu.

