Puntland oo howlgalo ka sameysay xeebeheeda

Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada badda oo hawlgallo ka wada dhammaan xeebaha Puntland ayaa sheegay in ay qabteen maxabiis Agabyo ay wateen oo ku sheegeen in ay khalkhal galinayeen amniga badda islamarkaana dhiirigalinaya falalka Burcad badeednimo.
warkan ka soo baxay taliska ciidamada PMPF ee Boosaso ayaa lagu yiri sida.’
Gulufyada ka dhanka ah Burcad Badeedda iyo Falalka kale ee sharciga baalmarsan ayay ciidamadu kaga hortageen qorsheyaal abaabulan oo garabsiinaayey burcadda, doonyo laga shakiyey oo gacanta lagu dhigay iyo kuwo xogtooda la hayo oo lagu raadjoogo. Ciidamadu waxa ay u dhiifoonyihiin inay si adag u waajahaan falkasta oo amniga wax u dhimaya, waxa ayna shacabkooda ugu baaqayaan inay ka fogaadaan ku lugyeelashadooda, taas bedelkeedana ay la shaqeeyaan ciidankooda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed