War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegey in madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor uu magaacabay gudi ka kooban ilaa iyo 12 xubnood, kuwaas oo ka shaqeen doona aaska Marxuum Gaagaab, oo la filaya in 6 December aas qaran loogu sameeyo magaalada Gaalkacyo oo ah deegaanka uu ka soo jeeda.
Maxamed Cali Yusuf gaagaab ayaa soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland, waxa uu ku dhashay Godob Jiiraan sanadkii 1944, Waxbarashada waxa uu kusoo qaatay qaybta hoose/Dhexe Magaalada Gaalkacyo.
Marxuum Gaagaab waxa uu kamid noqday Shakhsiyaadkii soo maray Xabsiga muddadii ay joogtay Dowladdii Militariga ahayd oo 7 sano ayuu xirnaa, burburkii Dalka ayuu saldhigtay Dalka Denmark kana mid noqday qurba joogtii Dalka isaga tagtay.