Puntland oo gacanta ku dhigtay Nin dilal ka geysta Gaalkacyo oo baxsad ahaa

Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab kana mid ahaa dadkii lagu xukumay dilka, ayaa gacanta lagu dhigay kaddib markii uu ka baxsaday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo bishii August 2024.

War ka soo baxay Maamulka gobolka Mudug ayaa lagu xaqiijiyay in Sayloor lagu qabtay deegaan ku dhow Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug ee Galmudug, halkaas oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayay muddooyinkii u dambeeyay.

Sayloor ayaa ahaa mid ka mid ah labo eedeysane oo qirtay in ay 1-dii March 2024 dil ugu geysteen magaalada Gaalkacyo weriye Jamaal Faarax Aadan.

Sayloor ayaa sidoo kale ka mid ahaa afar maxbuus oo Shabaab ah oo 5-tii August 2024 ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo, xilli la filayay in lagu fuliyo xukun dil ah oo horey loogu ridday.

Wararka ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu Sayloor ku wareejiyay Puntland, iyadoo labada maamul ay ka dhaxeyso wada-shaqeyn dhanka amniga.

Sannadkii hore, Sayloor ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ku beeniyay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isagoo ku andacoonayay inuusan waligiis ku biirin kooxda Alshabaab.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed