Wasaaradda Cayaaraha Puntland ayaa guud ahaan gabdhaha ka mamnuucday in ay u daawasho tagaan Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare halkaas oo uu ka socdo tartan u dhaxeeya Gobollada Maamulkaas.
Wasaaraddu ma caddeyn ujeedka tallaabadaan ka dhan ah Gabdhaha, waxaa halkaas ka socda tartan xamaasad wata oo dhexmaraya Gobollada Dowlad-Goboleedka Puntland oo heer gab-gabo maraya.
Hay’adaha ammaanka ayaa awood isugu geeyay xakameynta taageerayaasha jalbeysan ee tagaya Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare, waxaa xiran dad sameeyay falal ka dhan ah nidaamka la faray in ay ku joogaan garoonkaas.
Su’aalo badan ayaa dul saaran sababta keentay amarkaan maadaama Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowlad-Goboleedka Puntland u magacaaban tahay Hodan Siciid Xasan oo kursigaan ku metasho awood qaybsiga Haweenka.