Puntland oo furimaha dagaalka ka mabnuucday qaadka

Puntland ayaa mamnuucday in qaadka loo iib geeyo deegaannada dhaca Furimaha Dagaalka buuraleyda calmiskaad Gobolka Bari sida lagu sheegay qoraal uu soosaaray Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sarreeye Guuto Aadan Cabdi Xaashi.

Waxa uu sheegay in sababo amni dartood loo joojiyay muddo 11 maalmood, ciddii jabisa ama diidda amarkaasina la horgeynayo maxkamad si loola xisaabtamo sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Difaaca DG Puntland.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed