Puntland oo fasaxday isticmaalka lacagta $50 doolar ah

Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa dib u fasaxday isticmaalka Lacagta $50 Dollar ah oo in ka badan 4 sanno aan laga adeegsan degaannada Puntland kaddib markii ay suuqa soo gashay lacag $50 Dollar oo Faaliso (been-abuur ah).

Warsaxaafadeed ka soo baxay Bankiga dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay isticmaalka Lacagta $50 Dollar ah oo suuqa ka maqnayd tan iyo sannadkii 2021 kaddi markii ay xilligaasi suuqa soo gashay lacag been-abuur ah oo $50 Dollar taasi oo sababtay in laga aamin-baxo guud ahaan Lacagta $50.

“Bangiga Dowladda Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka Puntland in si rasmi ah loo fasaxay isticmaalka lacagta $50ka doolar, lyada oo aan lagu xirayn wax shuruud marka laga reebo shuruudaha la mariyo lacagaha kale sida $100, $20, $10 iyo $5” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowladda.

 

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed