Puntland oo difaacday xiriirka ay la leedahay Ethiopia

Puntland ayaa difaacday xiriirka ay la leedahay dowladda Ethiopia, iyadoo tilmaamtay in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay awood u lahayn inay ka hor istaagto cilaaqaadka ay la sameysanayaan dalalka deriska sida Ethiopia.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo saxaafadda kula hadlayay Garowe, ayaa sidaasi sheegay, isagoo xusay in dastuurka federaalka iyo midka Puntland uu u ogolaanayo reer Puntland inay danahooda u madax bannaan yihiin inta Soomaaliya ka yeelanayso dowlad federaal ah oo loo siman yahay.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda dhaqaale ee xiriirka Itoobiya, isagoo sheegay in ganacsiga Puntland uu si weyn ugu tiirsan yahay xiriirka ay la leedahay dalka Ethiopia.

halkan ka daawo shirka Jaraa’id ee Wasiirka 

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed