Puntland oo beenisay war ka soo baxay DFS

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiqafaar Xasan Xaange, kaas oo ahaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag dhan $6 milyan ku shubtay qasnada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta oo maanta weriyayaasha kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay, in lacagaha ay Puntland ka heshay Bangiga Adduunka ay yihiin lacago ay cogsigeeda iyadu gudbisatay, si looga caawiyo kabka  miisaaniyadeeda.

Wasiirka Warfaafinta waxa uu carrabka ku dhuftay in dhaqaalahaasi soo gaaray uusan xiriir la lahayn dhaqaale ka yimid ama ay kasoo shaqeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay haatan u xaniban tahay malaayiin Dollar oo loogu talo in mshaariic looga fuliyo degaanada Puntland. Waxa uu sheegay dowladda Federaalku inay doonayso in mashaariicda Puntland laga maamulo Muqdisho, taasina ay tahay sababta la isku hayo

Eng. Caydiid wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya oo ah xildhibaan lagasoo doortay Puntland uu war been abuur ah ka sheego deegaankiisa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed