Puntland maxay ka tiri shirka golaha wadatashiga Qaranka ?

Puntland ayaa sheegtay in go’aamada kasoo baxaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin dhankooda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkaan ku sheegay isagoo la hadlayay warbaahinta gudaha. Waxa uu sheegay in shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran ay fashilmeen, oo aysan jirin wax miro dhal ah oo kasoo baxay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madasha haatan loo fadhiyo aysan xal u noqon karin xaaladaha Soomaaliya ka taagan, gaar ahaan arrimaha ka jira Baydhabo iyo Puntland.

“Madasha hadda looma baahna, mana xallin karto arrimaha Soomaaliya haatan ka taagan. Tan Baydhabo ayaysan xallin karin, tan Puntland baysan xallin karin,” ayuu yiri wasiir Dirir.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale ka hadlay magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya, isaga oo sheegay in tallaabadaasi aysan wax isbedel ah ku keeneynin mowqifka siyaasadeed ee Puntland ee ku aaddan dowladda Federaalka.

“Magacaabista taliyaha ciidanka Booliiska ee dowladda Federaalka, ma saameyn doonto mowqifka Puntland,” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir. “Waxaanu u aragnaa in qof kasta oo kasoo jeeda Puntland oo xil ka qaata dowladda Federaalka inuu yahay qof aan awooddiisa ka baxsanayn Xamar.”

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland ay sii wadi doonto dadaaladeeda siyaasadeed ee ay ku difaaceyso danaheeda, isla markaana aysan jirin wax go’aan ah oo Puntland ku qasbi kara inay aqbasho shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed