Gobolada Sanaag iyo Highland ayaa wajahaya loolan siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo doonaysa inay ku darto maamulka SSC KHATUMO.
Xubno katirsan golayaasha dowladda, maamulada heer gobol iyo heer degmo ayaa lafilayaa inay gaaraan Magaalooyinka Badhan, Dhahar, Xingalool iyo Buraan, xilli siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka ay wadaan sharar iyo qorista ciidamo heer federala ah.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda goboladaasi ee xiriirka laleh DFS ayaa doonaya inay degmada Ceel-buh ku qabtaan shir looga tashanayo sidii goboladaasi ugu biiri lahaayeen maamulka SSC KHATUMO, tallaabadaas oo ay ka horjeedaan Puntland iyo dhaqdhaqaaqa Maakhir.
Dhammaan isimadii dhaqanka iyo Hoggaanka-sare ee dhaqdhaqaaqa Maakhir midna, ayaan ka qaybgeli doonin shirka Ceelbuh oo ay u arkaan loolan siyaasadeed.