PSF oo sheegtay in ay qabatay labo nin oo Daacish ka tirsan

Ciidanka PSF, ee Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo kasoo jeeda dalka Tanzania.

Labadan xubnood ayay ciidanka PSF sheegeen inay ka bad baadeen duqayntii uu todobaadkii hore  Maraykanku la beegsaday saldhig Daacish ay ku lahaayeen deegaanka Af-cas ee gobolka Bari,

Labadan xubnood oo lagu kala magacaabo, Cimraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Nassor Saidi, ayaa lagasoo qabtay meel 30km u jirta degaanka ay ka dhacday duqaynta, kaddib dabagal ay sameeyeen ciidanka PSF oo hayay xogta raggaan.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa sheegay inuu duqayntan ku dilay 3 xubnood oo  Daacish ah.

Ciidanka PSF ee uu taageero Maraykanka, ayaa ka shaqeeya la dagaalanka Shabaab iyo Daacish.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed