PEC oo shaacisay natiijada hordhaca ah ee Doorashada Garowe

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa saaka shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashadii ka qabsoontay degmada Garoowe.

Guddiga PEC ayaa sheegay in tirada guud ee degmada Garoowe ka codaysay ay dhan tahay 27,662 islamarkaana ay ansax noqdeen 25,724 cod halka ay xumaadeen 1,938 cod.

Xisbiga xukuumadda ee Kaah oo kaalinta kowaad kaga galay degmada Garoowe ayaa 12 xubnood ka helay xildhibaannada golaha degaanka halka xisbiga Horseed oo ku soo xiga uu helay 6 xildhibaan.

Xisbiga SINCAD oo kaalinta saddexaad ku jira ayaa 5 xildhibaan ka helay xubnaha golaha degaanka degmada Garoowe halka dhammaan xisbiyada kale heleen min 2 xubnood.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed