Pakistan iyo Türkiye ayaa ku dhawaaqay iskaashi cusub oo dhinaca difaaca

Dowladaha Pakistan iyo Türkiye ayaa ku dhawaaqay iskaashi cusub oo dhinaca difaaca iyo horumarinta warshadaha soo hubka, si ay sare ugu qaadaan awoodooda dhinaca Militeriga.

Wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga oo ay ku jiraan Khubaro ku takhasusay diyaaradaha, injineeriyadda hawada sare, tignoolajiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), difaaca casriga ah, injineeriyadda baabuurta iyo qalabka warshadaha, ayaa booqday Islamabad.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay kala hadleen dowladda Palistaan sidii loo horumarin lahaa Tiknoolajiyadda iyo hubka casriga ah oo ay ku jiraan Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones.

Wasiirka Ganacsiga Pakistan, Jam Kamal Khan, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan Turkiga, si uu qeyb uga qaato horumarinta awoodda difaaca ee dalkaasi.

Wuxuu xusay in labada dal ay iska kaashanayaan difaaca hawada, horumarinta macdanta, iyo warshadaha la wadaago ee Hubka.

Dalka Pakistan ayaa kamid ah quwadaha caalamka ee leh hubka casriga ah ee Nukliyeerka ee wax u gumaada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed