NISA oo soo bandhigtay Rag ku eedeysan dilka Ganacsato

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in gacantooda ay soo galeen Labo eedeysane oo ku kala eedeysan in ay dilal ka geysteen Degmada Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Magacyada Raggaan ayay NISA ku kala sheegtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali, waxaa loo heystaa in ay ka dambeeyeen dilal ka dhan ah Ganacsatada si gaar ah kuwa ka dhacay Degmada Daarusalaam ee Gobolka Banaadir.

Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa ciidamo isugu jira kuwa labisan dharka u gaarka ah ciidankaas iyo kuwa qarsoon ee loo garan ogyahay (Ilaalada Shacabka) geysay Degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshiid, Daarusalaam & Dayniile oo laga diiwaangeliyay dilal ka dhan ah Ganacsatada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed