NISA oo sheegtay in ay dishay xubno mihiim ah oo ka tirsan AS

War kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa faah faahin looga bixiyay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Sabiid iyo Caanoole oo lagu bartilmaamaysaday horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al shabaab.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgallo duqeyn ah oo ilaa lix gaaraya ka fuliyay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ay halkaas ku dileen 82 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaadka Al shabaab, halka 19 kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.

Degaankaasi 24kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dagaalo xoogan uu ku dhexmaray Al shabaab iyo ciidamada Dowladda oo markii dambe Kooxda lagu duqeeyay goobo ay degaankaasi kaga dhuumaleysanayeen.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed