NISA oo Muqdisho ka soo dajisay Ninkii gubay xaaskiisa

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo dajiyay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka NISA ee ayaa maalnimadii shalay eedeysanaha ka soo qabtay  deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana barqanimadii maanta diyaarad uga soo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis waxaa la sheegay in ay uur u lahayd Ninka Gubay ee magaciisa lagu sheegay Sayid Cali Xaaji Daauud halka sidoo kale horay ay u haysatay Carruur agoon ah .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed