Ninkii xaaskiisa muqdisho ku gubay oo la soo qabtay

Ciidamada Booliska Soomaliya ayaa shaaciyay in gacanta ku dhigeen Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ahaa ninkii ku gubay magaalada Muqdisho xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray marxuumad Luul Sheekh Cabdi.
war ka soo baxay booliska soomaliya ayaa lagu sheegay in ay ku soo qabteen eedeysanahan deegaanka Cadaleey.
dhinaca kale warka booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke), in lagu qabtay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xili ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed