Ninkii gubay xaaskiisa oo dil toogasho ah lagu xukumay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daauud oo gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis Maxamed isla markaana kiiskiisa labo jeer ay dhagaysatay Maxkamaddu.

Go’aanka Maxkamadda oo ahaa mid ay sugayeen labada ehel, Xeer ilaalinta, Qareennada difaacayay & Bulshada qaybaheeda kala duwan ayay Maxkamaddu dhowaan muddaysay in maanta oo ah Arbaco 6da Maarso 2024 ay ku dhawaaqayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud oo xukunka Dilka ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in Sayid Cali uu gubay qolkii ay joogtay Marxuumad Luul Cabdicasiis iyada oo dhaawacaas ku geeriyootay.

Kiiska dilka Luul Cabdulcasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa dad badan ka dhursugayeen xukunka maanta ay ridi doonto Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa sheegtay in uu racfaan u furan yahay eedeysanaha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed