Naadiga Paris Club oo ka Cafiyay 99% Deymihii uu ku lahaa Soomaaliya

Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% laga cafiyay deymihii ay ku lahaayeen xubnaha kooxda Paris Club ee dalalka deymaha ah, sida ay shaacisay kooxdan Paris Club.

Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah dadaallada ay dowlada Soomaaliya ku doonayso inay dib ugu mid noqdo nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club oo ah hay’ad ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah dalal badan oo deyman bixiyayaasha ah.

Soomaaliya ayaa xaq u yeelatay in lacag ka badan $4.5 bilyan oo deyn lagu lahaa laga cafiyo ka dib markii bishii Disembar la gaaray dhamaadka hindise deyn cafinta oo ay kormeerayeen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

“Deyn bixiyayaasha Naadiga Paris waxa ay soo dhaweeyeen go’aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ah in ay sii waddo hirgelinta istaraatiijiyad dhameystiran oo lagu dhimayo faqriga iyo barnaamij dib-u-habeyn dhaqaale oo hammi ah si loo abuuro aasaaska kobac dhaqaale oo waara oo loo dhan yahay,” ayuu yiri Naadiga Paris.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dhinaciisa sheegay in la soo gabagabeeyay wadahadal ay la lahaayeen Naadiga Paris.

“Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, Aniga iyo wafti aan hogaaminayo, waxa aan maanta soo gebagebaynay wada xaajood wakhti dheer qaatay oo aan la yeelanay waddamada ku middoobay naadiga Paris ( Paris club) oo ku lahaa Soomaaliya lacag ka badan 3.1 billion oo doolar.”ayuu yiri Wasiir Cige.

“Iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa aanu toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris kala saxeexanay heshiis lagu dhaafayo deyntii ay Soomaaliya ku lahaayeen.”ayuu sii raaciyay wasiir Cige

Talaabadani waxay ka dhigantahay in Paris Club ay dhaafeen xaddi dayneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC. Si loo sugo dhammaystirka hannaankan, waxaa xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo dal kasta Dowladu la gali doono si ay si rasmi ah daynta uga masaxaan buugaagtooda.

Waxay tani marag ka tahay horusocodka joogtada ah ee dadka iyo Dawladda Soomaaliyeed ay ka samaynayaan dawladnimada dhiska, koboca dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed