MW Xasan ” Waxaan sameyn doona Maktab lagu uruuriyo wixii uu ka tagay Aadan Cade ”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii ugu horreeyay Dalka AUN Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ayaa ka hadlay Sooyaalkiisa & doorkii uu ka qaatay dhismaha Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay sameyneyso Maktakabad lagu Kaydiyo Taariikhda iyo Waxqabadka Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray uu Marxuum Aadan Cadde taariikh u dhigay Soomaaliya & Qaaradda Afrika isaga oo diiradda saaray Nabadda iyo Dimuqraadiyadda taasina uu taariikhda ku galay sida uu hadalka u dhigay.

“Taariikhda Aadan Cadde in aan sheeg-sheegno keliya naguma filna ee waxaa sameyneynaa Maktab lagu uruuriyo wixii uu ka tagay, Hal meel ayaan ku qornay oo aan haysanaa waana Garoonka Diyaaradaha, Meel muraayad ah oo xafisan in la dhigo buug sharaxaya Taariikhda Aadan Cadde, Wasiirka Waxbarashada wuu joogaa waa in uu keenaa Meeshii laga dhigi lahaa xusuus qorka Aadan Cadde” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Aadan Cadde uu udub dhexaad u noqday aasaaska Dowladnimada ilaa maanta la haysto ee la isku maamulayo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed