MW Xasan Shiikh “Waa dambi in ganacsadaha isku dayo la dhuumashada Canshuurta”

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la bixiyo canshuurta, isaga oo baaq u diray Ganacsatada.

Madaxweynaha ayaa ka digay in ganacsatada ay fujiyaan lambarka lacagaha lagu tuuro, ee ku dhagan goobaha ganacsiga, wuxuuna tilmaamay in lala xisaabtami doono ganacsadihii ku dhaqaaq falkaasi.

“Canshuurta dowladda waa in la bixiyaa, ganacsadihii fujiya lambarka Merchant, waxaa uu la kulmi karaa ciqaab, waa dambi qofkii lagi qabtana ciqaab ayuu la kulmaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ay dhaqan gashay canshuurta Iibka, iyada oo dowladda sheegtay in ay kordhineyso dhakhliga gudaha.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed