MW Xasan Shiikh oo ka dagay dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxda wadamada dariska la ah soomaliya tan iyo markii Itoobiya ay soo faragalisay xuduud badeedka soomaliya .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed