Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Mashruuc horumarineed oo lagu magacabaay Gateway Complex, kaasi oo la filayo in laga hirgaliyo goob u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Mashruucan ayaa waxaa uu ka kooban yahay Hotel casri ah oo leh 261 qol, guryo, goobo shirarka lagu qabto iyo xarruumo laga dukaameysto, iyada oo ay maalgalineyso Premier Bank.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masโuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Premier Bank Jibriil Xasan Maxamed (Qaarey) oo ayaa faah faahiyay muhiimadda mashuurac Gateway uu u leeyahay dalka. โFirkadda in la hirgaliyo dhismahan waa mid Soomaaliyeed, dhulka waa nalaga kireeyay waxaana iska leh Bankiga Dhexe ee Soomaaliyaโ ayuu yiri Guddoomiyaha Shirkadda Premier Bank.
Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Cali Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in Mashruucan u adeegi doonaa bulshada gaarka ahaan dhinaca caafimaad iyo waxbarashada.
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daaโuud Aweys Jaamac ayaa shirkadda Premier Bank uga mahadceliyay hirgalinta mashruucaan oo sare u qaadaya Dalxiisayaasha Caalamiga ah.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku boggaadiyay shirkadda Premier Bank iyo shirkadaha kale dadaalka ay ku bixiyeen hirgalin mashruuca waxtarka u leh dalka.
โGateway ma aha oo keliya mashruuc; waa farriin muujinaysa kalsoonida aan ku qabno awoodda Soomaaliya. Mashruucan waxa uu abuuri doonaa shaqooyin, soo jiidan doonaa maalgashi, wuxuuna bulshada siin doonaa adeegyo muhiim ah oo sare u qaadaya tayada nolasha,โ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.