MW Xasan Sheekh”Itoobiya waa sida Al-shabaab oo kale ”….

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in xadgudubka dowladda Itoobiya kula kacday ay iska dhicinayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Itoobiya iyo Al-shabaab labaduba iney yihiin cadawga ugu weyn ay leedahay Soomaaliya, islamarkaana ay ka difaacayaan dalka.

“Maanta haddii dhul la isku sheeganayo anaga ayay tahay in Itoobiya maanta dhul ku sheegano, naguma sheegan karto anaga,  Cadow hal ayuu ahaa oo Shabaab ah laakiin maanta waa labo, waa iska celinayna Shabaabka oo duulimaadka dibadana waa iska celinayna” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha Soomaaliya inta uu nool yahay qof Soomaali ah ineysan bixi doonin taako ka mid ah dhul Soomaaliyeed, islamarkaana Itoobiya damaceeda uu yahay mid dib usoo celinaya waxyaabahii ay horay u aastay Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney si wadajir ah ugu midoobaan ka hortaga xadgudubka dowladda Itoobiya ee salka ku haya boobka qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed