MW Xasan Sheekh “Waa riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato

Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itoobiya ee ku aadan helista qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya iyo sababahii keenay in la isku fahmi waayo wadahadaladii natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ee ku dhexmaray labada dal magaalada Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay diidan tahay in Soomaaliya ay tahay wadan xor ah oo madax banaan, isagoona nasiib daro ku tilmaamay iney wali ka garaabi la’dahay damaceeda guracan ee ku xadgudbida madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Wadahadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono, Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha in Itoobiya ay wado daandaansi nooc kasto leh oo ay Soomaaliya uga raadineyso jawaabo qaldan, wuxuuna sheegay in Soomaaliya marnaba ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo wax kasta oo dhaca.

“Uma aanaan jawaabin Itoobiya wax kasta oo ay sameysay, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadaaleen, waana u mahad celinaynaa, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono, Soomaaliya waa xor, cidey doonto oo maslaxadeeda ay ka dhex aragto ayey la heshiinee, danaheena cidii ka hor imaata, anagana danahooda waan ka hor imaaneynaa, waxaan ka shaqeynaa maslaxadeena kaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xalay ka sheegay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu u jeediyay dadka Soomaaliyeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed