MW Xasan Sheekh ” Safar baan ku tagi doona Itoobiya kaas…..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu dhawaan safar ugu baxayo magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas uu kaga qayb-galayo shirar kala duwan.

War uu faafiyay xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia lagana soo duubay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan magaalada Kismaayo ayuu  Xasan Sheekh shaaca kaga qaaday safar uu dhawaan ku tagayo Itoobiya, xilli Addis aysan ka laaban damaceeda Badda Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo ka hadlaya safarkiisa ee uu ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa yiri, ”Dhawaan waxa aan safar ku tagayaa anniga iyo wafdi aan hoggaaminaya magaalada Addis Ababa ee xarunta midowga Afrika.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u jeedka safarkiisa ku sheegay in halkaas uu uga qeyb galayo saddex shir oo Soomaaliya muhiim u ah, “Meeshaas (Addis) saddex shir oo muhiim ah ayaa ka jira;  Shirkii Midowga Afrika ayaa ka jira oo ay isugu imaanaya madaxdii, waxaa halkaas ka jira shir ay isugu imaanayaan madaxdii IGAD iyo Shirka Bulshada Bariga Afrika.”

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan ahayn mid wanaagsan .

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed