MW Xasan Sheekh oo u safray dalka Norway,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Oslo, uu wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.

Inta uu ku sugan magaalada Oslo Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway, isagaa oo kala hadli doona xaaladda guud ee dalka iyo kaalintooda ku aadan dib u dhiska dalka.

Waa safarkii ugu horreeyey uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tagayo dalka Norway tan iyo dib uu doorashadiisii 15-kii May, 2022, wallow uu safari kala duwan uu ku tagay madaxweynaha qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed