MW Xasan Sheekh oo shir uga qeyb-galaya Kampala

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah.
Isbahaysigan ayaa ah madal ay kawada tirsan yihiin dalalka aan xulafooyinka milatari iyo gaashaanbuurta ku jirin oo 120 dal ah, kuwaas oo ay Soomaaliya ay ka mid tahay.

Shirka aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa ahaa mid deg deg loogu baaqay si xal loogu helo khilaafka Soomaliya iyo Itoobiya kaas oo ka dhashay Hishiis ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaliland iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya lana xiriiray dhanka bada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed