MW Xasan Sheekh oo sheegay in Dowladdu ay ku faraxsan tahay ku biirista EAC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaalka Fogaan-aragga uga qaybgalay meertada 23aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa sheegay in Dowladdu ay ku faraxsan tahay ku biirista EAC.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowaan soo dirayso Wakiilladeeda Labada Gole ee Baarlamaanka uu leeyahay Ururka EAC & Maxkamadda Caddaaladda si ay u shaqo billaabaan.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabto ururkaan iyada oo diiradda la saarayo ka gudubka caqabadaha ka jira dhinaca Amniga, Ganacsiga & dhaqaalaha isla markaana isbaddel wayn oo muuqda uu haatan ka jiro.

“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Ururkaan. Soomaaliya waxa ay dhawaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka  iyo Maxkamadda Caddaaladda” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday natiijada kasoo baxday Geeddi-Socodka Soomaaliya ay u gashay raadinta Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ugu dambayn hanatay waxaana uu intaas ku daray in ay Dowladdu u mahadcelineyso Dalalkii codkooda ku taageeray.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed