MW Xasan Sheekh oo Qaahira kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan xildhibaannada labada aqal ee soomaliya ku matala Baarlamaanka Carabta ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isaga oo uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed