MW Xasan Sheekh oo min hal derajo dallacsiiyay Saraakiisha ururka 6aad & 3aad ee Gorgor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa min hal derajo dallacsiiyay saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee howlgalka kawada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah waxa uu u dallacsiiyay saraakiisha hoggaaminaysa Ururrada 6aad iyo 3aad ee Guutooyinka 18aad & 17aad ee Kumaandooska gaarka u tababaran ee Gorgor.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada iyo saraakiisha hoggaanka u ah kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada ay weli joogaan sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka ayuu tilmaamay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in ay ka go’an tahay ka gungaarista dagaallada ka dhanka ah oo muddadii uu socday dhul-baaxad wayn gacantooda soo gashay.

Ciidamadaan gaarka u tababaran ee kumaandooska Gorgor iyo DANAB ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo gaar ah ka waday deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed