MW Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Isaias Afwerki.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Aqalka Madaxtooyada dalka Eretariya kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan Caalamka, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay madaxweyne Afwerki dagaalada dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab iyo hurumarada laga sameeyay.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Eretariya ayaa kulan kooda kadib socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya.

Soomaaliya waxaa ka jooga dalka Eretariya ciidamo badan oo halkaas tababar ku qaadanaya mudo sanado ah, iyadoo cutibyadii ugu horeeyay oo tababar kusoo dhameystay Eretariya dalka dib loogu soo celiyay dhamaadkii sanadkii tagay ee 2023.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed