MW Xasan Sheekh oo ka digay Propagandada dalka laga faafinayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka falceliyay hadallada la xiriira digniinaha dhinaca Amniga ee khatarta looga muujiyay weerarro ‘AS’ geysan karto ayaa ku tilmaamay wax soo buun-buuniyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aanay jirin khatar dhinaca Amniga, waxa uu intaas ku daray in dalka uu soo maray xaalado adag balse maanta looga gudbay wadashaqaynta ciidamada iyo Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Wararka la isla dhexmarayo ee Khatarta amniga muujinaya ayuu ku tilmaamay in ay yihiin Fariimo ka yimid ‘AS’ oo lasoo dhexmariyay Soomaali iyo Ajaanib, waxa uu carrabka ku adkeeyay in nabadgalyo gacan adag lagu hayo.

“Propagandada baryaan socota Shabaab ayaa iska leh, asaa soo sameystay, nasiib darro kuwo ayay heleen oo meel weliba u geeya, tusaale yar haddii aan idin siiyo iyada oo magaaladaan la beegsanayo saraakiisha, culimada & Ganacsatada ayaa joognay, Caalamka Diyaaradaha way nooga imaanayeen, fariimo been ah oo aan jirin & tallaabooyin been ah oo la qaaday waaye, Dalkaan khatar kuma jiro” MW Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhallinyarada katirsan ‘AS’ ayuu u furay albaabada Cafiska haddii ay isaga soo tagayaan diyaarna u yihiin in ay isu dhiibaan Dowladda Federaalka, waxa uu shaaciyay in kuwo ka horreeyay inay yihiin askar, mas’uuliyiin, Ganacsato & kuwo kale oo Waxbarta.

Digniin ayuu u diray Dadka soo dhaweysta ama la shaqeeyo ‘AS’ Isaga oo markale ku celiyay in la iska jiro dadka katirsan Shabaab, waxa uu ka digay in dhibaato kasoo gaarto Dadka soo dhaweysta ama guryaha ka kireysta sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa jirtay digniin ka timid Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo lagu muujiyay weerarro ‘AS’ ku beegsan karto goobo kala duwan, fariintaas waxa ay dhalisay in labadii maalin lasoo dhaafay in ay joogsadaan duullimaadka diyaaradaha Caalamiga ah ee Caasimadda ku imaan jireen.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed