Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray qeybaha, talisyada iyo darajooyinka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka Al-shabaab, isaga oo bogaadiyey sida ay uga goโan tahay in ay dalkooda difaacaan.
โCiidamadeennu waxay naftooda u hureen difaaca dalkeenna iyo badbaadinta mustaqbalka jiilasha soo socdaโ, ayuu yiri, Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tayeynta, qalabaynta iyo kor u qaadidda nolosha Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan taageerada ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed.
Maanta oo kale, sannad walba 12- Abriil ayaa loo dabaal degaa aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska 65 guurada aas-aaska Ciidanka.