MW Xasan Sheekh oo hal arin darteed uga dagay Dhuusamareeb

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii dib loo doortay ku dhawaaqay dagaalka ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al-shabaab ayaa saldhiggiisa ugu weyn ee uu dagaalka ka hoggaaminayo ka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, waxanna tan iyo markaas  ciidamadda xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda deegaanka ay shabaab ka xoreeyeen degmooyin iyo magaalooyin badan oo ay shacabka ku dhibaateynayeen.

howlgalo xoogleh ayaa ka socda gobolada dalka kuwaas oo looga xoreynayo Al-shabaab

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed