MW Xasan Sheekh oo hal arin darteed u tagay safarada Imaaraatka ee Muqdishi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjiraha Imaaraatka fadhiya Muqdisho Axmed Jumca Al-rumeysi.

Qoraal kooban oo ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay loogu baran booqashada Safaaradaha dalalka caalamka ay ku leeyihiin Soomaaliya, iyada oo booqashadaan la shaaciyay ay noqonaysa tii ugu horreysay uu madaxweynaha uu ku tago Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho tan iyo dib u doorashadiisii May 15, 2022-ka.

Fiidnimadii Sabtida xerada tababarka ee Jeneraal Goordan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay weerar uu fuliyey askari ka tirsan askar tababar loogu soo xiray xerada, waxaana ku dhintay macalimiintii tababarka bixinaysay oo u dhalatay dalka Imaaraadka iyo askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay Isbitaalka Digfeer oo la geeyay dhaawacyada saraakiisha ayaa sheegay in si degdeg ah dowladda wax ugu qabanayso falka ka dhacay xerada tababarka ee Jeneraal Goordan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed