MW Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Villa Somalia ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirguddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta ka furmay aqalka dalka looga arrimiyo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri, “Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka dastuurka dalka.”

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galin Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo markii afaraad ka maqan shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, keesta kale waxaa isna Muqdisho maata lagu soo dhaweeyey Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed