MW Xasan Sheekh oo Ganacsato kala hadlay hirgelinta Muqdishada cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Ganacsatada qaybta ka qaadaneysa hirgelinta mashruuca Muqdishada cusub ee dhowaan uu xarrig jaray.

Ganacsatada ayuu ku bogaadiyay hirgelinta qorshahaan, waxaana uu intaas ku daray in isbaddelkaan cusub uu horseedayo in Magaalada Muqdisho ay yeellato qaab kale oo kaalin weyn ka qaadaneysa horumarinta Caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ganacsatada guud ahaan usoo jeediyay in aysan ka harin maalgelinta Mashruucaan oo muhiim u ah in Magaalada Muqdisho ay la baratanto Caasimadaha kale ee horumarka sameeyay.

Ganacsatada ayaa dhankooda waxa ay ballanqaadday in kaalintooda ay ka qaadan doonto mashruucaan sidii loo hirgelin lahaa isla markaana qorshahaan uu qayb ka yahay dib u dhiska Dalka si looga qaybgalo horumarka cusub ee socda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed