MW Xasan Sheekh oo gaaray dalka Uganda

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa mudada uu joogo dalka Uganda kulan gaar ah la yeelan doona dhigiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doono qorshaha kala guurka ah ee howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasiloonida Gobolka.

“Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay diyaar garow xoogan ugu jirta qorshaha howlgalka cusub ee bedalaya ATMIS oo loo diyaarinayo ciidamadii beddali lahaa iyo dowladaha cusub ee lagu soo kordhin doono howlgalka cusub oo ay ka mid tahay Masar oo haatan diyaarisay ciidamo cusub.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed