Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Fadhigii 5aad ee Baarlamaanka Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka 11aad, Khudbad uu u jeediyay xubnaha labada Gole ayuu uga warbixiyay xaaladda Dalka isaga oo ka dalbaday in howlaha horyaalla uu Baarlamaanku u guto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Gole ee Baarlamaanka ku bogaadiyay dardargelinta qodobada qabyada u ah sida qabyo-tirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo cutub kamid ah lagu dhammeystiray kalfadhigii 4aad ee kan ka horreeyay.

Waxa uu tilmaamay in qabyo-tirka Dastuurka Dalka uu xuquuq siinayo muwaadinka Soomaaliyeed sida in uu helo awood uu ku doorto qofka metali kara iyo haddii qudhiisa uu Musharrax yahay in isaga la dooran karo.

โ€œHowsha Dhammeystirka Dastuurka waxa ay Dabarka ka fureysa in Muwaadinta Soomaaliyeed uu helo xuquuqda ah in uu wax Doorto ama la doortoโ€ ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrinta Itoobiya:

Waxa uu soo hadal qaaday wadahadalkii Turkiga isugu yeertay Soomaaliya & Itoobiya balse waxa uu xusay in aanay jirin natiijo muuqata oo laga gaaray maadaama aanay waxba iska baddelin mowqifka Xukuumadda Abiy Ahmed ee la xiriira damaca gurracan.

โ€œTodobaadkii lasoo dhaafay Walaalaha Turkiga ayaa gogol ay codsatay Itoobiya noogu yeertay balse nasiib darro waxba iskama baddelin mowqifkeedii, Cidda wax dulmineysa waa Itoobiyaโ€ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaalka ka dhanka ah โ€˜ASโ€™:

Markale ayuu ku celiyay in aanay jirin wararka sheegaya in wadahadal uu dhexmarayo Dowladda Federaalka & โ€˜ASโ€™ waxaana uu tilmaamay in aanay muuqan ama jirin sifo dhalin karta waxyaabo keeni kara in ay wadahadlaan sida uu uu hadalka u dhigay.

Dagaalka ka dhanka ah โ€˜ASโ€™ ayuu sheegay in uu socdo isaga oo Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka la wadaagay warbixin la xiriirta in Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkaan lagu galay deegaannadii ugu dambeysay ee Ciidamada gacanta ku dhigeen.

Dagaal beeleedyada ayuu ka hadlay waxaana uu sheegay in Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah in ay dhexdhexaadineyso Walaalaha dagaalamaya isla markaana gacan adag lagu qabanayo Dhinacyada hurinaya ama iska hor keenaya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed