MW Xasan Sheekh oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay Ruushka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee ka dhacay xalay goob lagu qabanayey Bandhig faneed oo ku taala caasimada dalka Ruushka ee Moosko sida lagu sheegay war lagu daabacay Wakaalada wararka Sonna.

Madaxweyne Xasan Ayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka uga tacsiyeey dhacdadan argagaxa leh isagoo sheegay in wakhtiga adag dowladda Soomaaliya garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Ruushka.

Xalay ayey koox hubaysan oo soo gashaday dirayska Ciidanka waxay galeen goob Hool ah halkaas oo ay ka socday Bandhig faneed,iyadoo sida ay sheegtay Warbaahinta Ruushka goobta ku dhinteen ilaa tiro ku dhow 60 qof sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof oo shacab ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed