MW Xasan Sheekh muxuu kal hadlayaa Cabdulfataax Al-siisi ?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee Caasimadda waddanka Masar kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaasi Masar.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Masar Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in Labada Madaxweyne ay ka arrinsan doonaan xaaladda Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

“Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

Villa Somalia ayaa sidoo kale tilmaantay in labada Madaxweyne mudnaanta siinayaan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed