MW Xasan Sheekh Maxamuud oo soo geba-gebeeyey safarkii Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho kaidb booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay Eritrea.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu joogay Eritrea waxa uu la kulmay qaar ka mid ah askarta Soomaaliya ee dalkaasi Eritrea ku qaadanaya tababarka dhinaca ciidanka cirka.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemani Meskel ayaa ku sheegay bartiisa X oo horey loo oran jiray twitter in madaxweynaha Soomaaliya uu ammaanay kaalinta ay Eritrea ka qaadanayso dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, iyo wadajirka ay u muujisay qaranka iyo dadka Soomaaliya, sida uu ku sheegay qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalkaasi tagay shalay ayaa dhinaca kale madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada hadleen xiriirka labada waddan.

Madaxweynaha Eritrea ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta xiriirka labada waddan iyo sikaashiga labada dhinac ee siyaasadda, amniga, militariga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, sida uu sheegay Meskel.

Eritrea ayaa sannadihii u dambeeyey lagu tababarayey ciidamo kumannaan ah oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkood soo laabteen, haatanna ay qayb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed