Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo la filaayo in uu kulan la yeesho Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni.
Ujeeddada safar madaxweynaha ayaa ah Booqashada shaqo ee uu Madaxwaynaha ku tagay dalka Uganda sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Al-shabaab.
Sidoo kale, labada Madaxwayne ayaa la filayaa in ay ka wada hadli doonaan xoojinta arrimaha xiriirka laba geesoodka ah, kuwaas oo dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya.