Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay ka degay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Recep Tayyip Erdoğan.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa si aad ah uga dhex muuqda Wasiirkiisi Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Nabad Sugida Sanbaloolshe, Ra’iisul Wasaare kuxigeenki hore xildhibaan Mahdi Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan fududeynta wadahadalka iyo hoggaaminta geeddi-socodka lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro arrintan.