MW Xasan Sheekh gaaray dalka Turkiga

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga si uu uga qaybgalo madasha diblumaasiyadda ee lagu qabanayo Magaaladaas oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin lagu casuumay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu joogo Dalka Turkiga waxa uu la kulmayaa Madaxda Dalkaas oo ay kawada hadlayaan xaaladaha labada Jamhuuriyad iyo garab istaagga Xukuumadda Ankara ay siiso dhiggeeda Muqdisho.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa  gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ayaa sidoo kale, wuxuu uu kulamo  muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee Villa Somalia daabacday.

Soomaaliya & Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir xooggiisa soo billowday sanadkii 2011kii kaas oo kasoo aasaasmay arrimaha bani aadamnimada kaddib markii Ankara ay kusoo baxday xaaladdii adkayd ee Abaarta Dalka ku dhufutay Dalka xiligaas.

Sanadba sanadka ka dambeeya marba heer ayuu gaarayay waxaana ugu dambayn Turkigu uu Soomaaliya u tababaray ciidamo gaar ah oo isugu jira Kumaandoos iyo Booliis, waxaa ugu dambeeyay heshiiskii dhinaca Difaaca & Dhaqaalaha oo Ankara mas’uuliyad ka saaraya amniga iyo tababarka ciidamada Badda Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed