MW Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee dalka Shiinaha

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shiinaha usoo magacaabay  dalka Soomaaliya, Wang Yu isaga oo ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub, sida uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, Dr Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Ugu dambeyn, Safiirka cusub ee Shiinaha Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed