MW Xasan oo hal arin oo ku saabsan Itoobiya kal hadlay Annette Weber.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarunta madaxtooyada dalka ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan geeska Afrika Annette Weber.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Annette Weber ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo iska xog wareystay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka ka mid ah gobolada dalka iyo waliba tayenta ciidamada Soomaaliya.

“Egeyga Midwoga Yurub ee geeska Afrika ee Soomaaliya Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada  iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub tageerada ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoona ku boggaadiyay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed